Zum Hauptinhalt springen Zur Suche springen Zur Hauptnavigation springen
Haben Sie Fragen? Einfach anrufen, wir helfen gerne: Tel. 089/210233-0
oder besuchen Sie unser Ladengeschäft in der Pacellistraße 5 (Maxburg) 80333 München
+++ Versandkostenfreie Lieferung innerhalb Deutschlands
Haben Sie Fragen? Tel. 089/210233-0

Qoristii Farta iyo Fidinteedii

17,10 €*

Versandkostenfrei

Produktnummer: 16A63439748
Autor: Abtidoon, Cabdiraxmaan M.
Veröffentlichungsdatum: 18.08.2025
EAN: 9781912411795
Sprache: Somali
Seitenzahl: 164
Produktart: Kartoniert / Broschiert
Verlag: Looh Press
Produktinformationen "Qoristii Farta iyo Fidinteedii"
AFKA SOOMAALIGU muddo dheer ma lahayn far qoran oo mideysan, taasi waxay sababtay in taariikh badan, suugaan iyo aqoon qiimo leh ay lumaan ama si adag ku kaydsanaadaan. Qarnigii siddeed iyo tobnaad ayaa culimadii Soomaaliyeed bilaabeen dadaal xooggan oo lagu doonayey in afka loo helo hab qoraal rasmi ah. Isku dayadii ugu horreeyay waxay badankood ku salaysnaayeen farta Carabiga, maadaama ay ahayd far ay culimadu si wanaagsan u yaqaannaan oo ku qornayd Qur'aanka iyo culuumta Islaamka. Sheekh Ibraahim Cabdalla Mayal iyo ardaygiisii Maxamed Cabdi Makaahiil ayaa kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee isku dayay in ay afka ku qoraan xuruuf Carabi ah, taas oo horseeday in buugag yar oo maahmaahyo iyo gabayo ahi soo baxaan horraantii qarnigii 20aad. Sidoo kale culimo waaweyn sida Sheekh Aweys Al-Barawi iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gabayadoodii iyo qasiidadoodii ku qoray farta Carabiga. Hase yeeshee, isku dayadani mar walba way kala duwanaayeen, mana jirin hal nidaam oo mideysan oo bulshada oo dhan qaadato. Dadaalkaasi wuxuu ahaa bilow muhiim ah oo muujinaya baraarugga Soomaalida iyo rabitaankooda ah in afkoodu yeesho qoraal rasmi ah. Inkasta oo farahaasi carbeed ay ahaayeen kuwo la isku dayo, haddana waxay abuureen saldhig cilmiyeed iyo rajo ah in afka la qori karo, laguna keydin karo aqoonta iyo dhaqanka. Waxaa la odhan karaa isku dayadaasi waxay dhidib u aas u noqdeen dadaalladii dambe ee keenay in la abuuro faro kale sida Far Cismaaniya, Far Kaddare, iyo ugu dambayn Farta Laatiinka ee la hirgeliyey 1972. Bilowgii qoraalka Soomaaliga sidaas ayuu ahaa, safar dheer oo aqoonyahanno badan iyo culimo Soomaaliyeed ay ku hureen dadaal iyo waqti, si afka Soomaaliyeed u yeesho astaan qoran oo taariikhda iyo aqoonta lagu xafido. Markii fartii la qoray waxaa loo gudbay xirgelinteedii, taasoo markii hore dugsiyadii waxbarasho ee dalka lagu soo rogay in Soomaali wax lagu barto, waxaana xigay ololayaal waaweyn oo ka bilowday magaalooyinka oo ciidamadii iyo shaqaalihii dawladda lagu barayey. Sannadihii 1974 iyo 75kii waxaa dalka ka qabsoomay ololihii ugu weynaa abid ee dalka laga hirgeliyo. Farta Soomaaligu sidaa ayey muddo aad u kooban waxay ku noqtay mid hana qaadda meel sarana gaarta. Buuggan wuxuu akhristaha marsiinayaa una dul marayaa safar dheer oo qaatay boqol sano, guulna ku dhamaaday. Buuggu wuxuu waxtar weyn u leeyahay ciddii dooneysa in ay cilmibaaris ku sameyso qoraalka farta Soomaaliga xilliyadii uu soo maray iyo guud ahaan qof walba oo doonaya in ay wax ka ogaadaan.
Bücherregal gefüllt mit juristischen Werken

Sie möchten lieber vor Ort einkaufen?

Sie haben Fragen zu diesem oder anderen Produkten oder möchten einfach gerne analog im Laden stöbern? Wir sind gerne für Sie da und beraten Sie auch telefonisch.

Juristische Fachbuchhandlung
Georg Blendl

Parcellistraße 5 (Maxburg)
8033 München

Montag - Freitag: 8:15 -18 Uhr
Samstags geschlossen