GODOB IYO GEERI
Ciid, Muxyadiin Xuseen
| Autor: | Ciid, Muxyadiin Xuseen |
|---|---|
| Veröffentlichungsdatum: | 09.02.2026 |
| EAN: | 9781805170921 |
| Sprache: | Somali |
| Seitenzahl: | 258 |
| Produktart: | Kartoniert / Broschiert |
| Verlag: | Ciid Publishing |
Produktinformationen "GODOB IYO GEERI"
Waayahu waxay na barayaan in jiritaanka bulsho ay aasaas u tahay dhaqanka iyo hiddaha ay bulshadaasi xambaarsan tahay. Haddii uu yahay midkaasi mid ku wayn, ayna ilaalsanayaan, waxaa dhacda in raad iyo taariikh ay uga tagaan adduunkan, jiritaankoodana kaalin ka qaato. Haddiise ay lumiyaan shaki kama taagna waxa baaba'aya in uusan ahayn dhaqan iyo hiddaha bulshadaasi xambaarsanayd oo kaliya, ee uu yahay bulshada laftigeedii, oo marka ay labadaas lumiso, noqonaysa weel maran, ciddii dhaansata ama wax ku shubatana leedahay. Sheekadan Godob iyo Geeri waxa ay ka duuleysaa dareenka dhabta ah ee iman kara marka ay ummaddi ka tagto dhaqanka iyo hiddaha ay leeyihiin, ayagoo uu jiito damac ku salaysan xaqiraad iyo xaasidnimo, tanoo ilowsiisa macnaha dhabta ee nolosha salka u ah, taas oo ah caddaaladda iyo wadajirka bulsho xambaarsan dhaqan iyo hiddo ku saleysan labadaas. Godob iyo Geeri waxaa ku dhammaystiran oo ka helaysaa dabeecad walba oo bulsho meel ku wada nool laga helayay, sida geesiga, fulayga, bakhaylka, xaasidka, deeqsiga, wadaadka iyo caaqilba. Haddii aad rabtid in aad ogaatid noloshii qarni ka hor bulshadeena salka u ahayd iyo sida ay u maarayn jireen mushkiladaha soo foodsaara ayaga oo adeegsanaya dhaqankoodii ku dhisnaa garaadka iyo garashada, uga bogo buuggan. Walow sheekadani qarni ka hor ku asteysan tahay, haddana waa mid la jaanqaadi karta waqti walba, waana mid dhallinyaro iyo waayeelba qancin doonta.
Sie möchten lieber vor Ort einkaufen?
Sie haben Fragen zu diesem oder anderen Produkten oder möchten einfach gerne analog im Laden stöbern? Wir sind gerne für Sie da und beraten Sie auch telefonisch.
Juristische Fachbuchhandlung
Georg Blendl
Parcellistraße 5 (Maxburg)
8033 München
Montag - Freitag: 8:15 -18 Uhr
Samstags geschlossen